Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Gantaallo Geeyey S. Korea


Mareykanka ayaa si ku meel gaar ah u geeyay Gantaalaha Difaaca Hawada oo dheeri dalka Kuuriyada Koonfureed, waxaana talaabadan uu kaga jawaabay, tijaabadii Nukliyeer iyo gantaal kua ridada fog ah oo ay sameysay Kuuriyada Waqooyi.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee ilaalada ka haya Kuuriyada Koonfureed, Thomas Vandal ayaa sheegay in dhoola- tusyada noocan ah uu xaqiijinayo, inay mar walba diyaar u yihiin inay iska difaacaan weerar kasta oo uga yimaadda dhinaca Kuuriyada Waqooyi.

Geynta gantaalahan ayaa dhinaca kale ku soo beegmaya sida ay sheegeen saraakiisha Kuuriyada Koonfureed iyadoo todobaadka soo socda ay Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ka yeelanayaan kulamo ku aadan sidii gantaalaha difaaca hawada oo casi ah oo kale ay u geyn lahaayeen jiidaha hore ee difaaca Kuuriyada Koonfureed.

Xukumadaha Washington iyo Seoul ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay todobaadkii ina dhaafay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Kuuriyada Koonfureed uga hirgelinayaan hanaan difaac hawo oo loogu magac daray – THAAD.

XS
SM
MD
LG