Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xukun Ku Dhacay Mahdi Xaashi


Al Shabab
Al Shabab

Maxkamad ku taalla magaalada New York ayaa nin Soomaali ah ku xukuntay sagaal sano oo xabsi ah kadib markii uu qirtay inuu taageero u fiidyey ururka Al-Shabaab.

Dacwad-oogista Maraykanka ayaa sheegtay in ninkaasi oo lagu magacaabo

Mahdi Xaashi kuna dhashay Soomaaliya uu ka tagay waddankii uu ku koray ee Biritan kuna laabtay Soomaaliya isagoo ku biiray ururka Al-Shabaab.

Mahdi Xaashi oo 26 jir ah waxaa xukuntay maxkamadda Brooklyn, New York Jimcihii kadib markii uu bishii May ee sannadkii hore qirtay inuu taageero u fidiyey ururka Al-Shabaab.

Isla maxkamadda ayaa usbuucii hore laba qof oo muwaadiniin reer Sweden ah oo la shaqaynayey Mahdi Xaashi ku xukuntay xabsiyo kala duwan.

Mahdi Xaashi waxaa la qabtay sannadkii 2012-ka waxaana lagu qabtay Bariga Afrika kadibna waxaa loo soo wareejiyey dalka Maraykanka.

Dacwad-oogista ayaa sheegtay inuu wadashaqayn la lahaa Cumar Xamaami iyo koooxda u dhalatay Maraykanka ee uu hoggaamin jiray. Xamaami waxa uu ka mid ahaa mintidiinta ay Maraykanku sida weyn u doonayeen ilaa intii uu ku dhintay weerar ay ku qaadday ururka Al-Shabaab.

Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay doonayaan inay qortaan dadka reer galbeedka ah sababtoo ah si dhib yar ayey iskaga gudbi karaan xuduudaha caalamka.

Al-Shabaab ayaa sannadkii 2010-ka maamulayey inta badan Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya hase yeeshee waxa ka riixay dhulkaasi oo ka qabsaday ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.

XS
SM
MD
LG