Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baraf Xannibay Bariga Maraykanka


Baabuur uu barafku qariyay
Baabuur uu barafku qariyay

Malaayiin Maraykan ah ayaa maanta oo Sabti ah waxa xannibay baraf dabeylo wata oo ka da'aya gobollada Bari ee Maraykanka.

Gobollo ay ka mid yihiin Virginia, Maryland, Georgia, Pensalvenia, NY iyo magaalada Washington DC, waxaa lagu dhawaaqay xaalad deg-deg ah, waxaana dadka la amray inay guryahooda joogaan.

Magaalada Washington DC oo shalay uu barafku bilowday ayaa waxaa ilaa imika ka da'ay 60 cm, waxaana la filayaa in di'itaanka barafku uu sii socda saacadaha soo socda.

Barafka oo qariyay baabuur
Barafka oo qariyay baabuur

Kumannaankun oo qof ayaa koronto la'aan noqday, kadib markii barafku uu gooyay fiilooyinka korontada qaada.

11 qof ayaa dhintay ayaa ku dhintay meello kale duwan.

Magaalada Washington DC waxaa wali xiran gaadiidka dadweynaha ee busaska iyo tareennada, sidoo kalena magaalada NY ayaa la sheegay in la hakin doono gaadiidka dadweynaha.

XS
SM
MD
LG