Isku xirrada

War Deg-Deg ah

3 Walaalo Ah Oo Ku Dhintay Weerarkii Liido


Weerarka Liido
Weerarka Liido

Cabdifataax Maxamed Kheyre, ayaa VOA u sheegay in laba Gabdhood iyo wiil la dhashay ay ku geeriyoodeen weerarkii Liido.

Weerarkii xalay lagu qaaday xeebta Liido, waxaa ku geriyooday 20 qof oo ay ku jiraan afar Shabaab, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo badan. Weerarka waxaa sheegtay maleeshiyada Al-Shabaab.

Dadka weerarka ku geeriyooday waxaa ka mid ah saddex qof oo walaalo ah, oo ku sugnaa maqaayadda Liido Sea Food, sida uu sheegay wiil la dhashay saddexdaas qof oo la hadlay VOA.

Cabdifataax Maxamed Kheyre, ayaa VOA u sheegay in laba Gabdhood iyo wiil ay ahaayeen kuwa qoyskooda ka dhintay xalay, kuwaas oo isla maanta la isku dhinac aasay.

Waxa uu tilmaamay inay maqaayadda u tageen si ay waqti fiican ula soo qaataan ubad ay dhaleen walaalihiisa, maaddama uu ka soo xirmay imtixaanaadka Iskuullo iyo Jaamacado ay dhiganayeen.

Jamaal Axmed Cismaan, ayaa Khadka telefoonka ku wareystay Cabdifitaax Maxamed Kheyre.

3 Walaalo Ah oo ku dhintay weerarkii Liido
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:57 0:00

XS
SM
MD
LG