Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho


Ciidamo ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay ee carwada al-kowsar ee wadada Maka al Mukarama
Ciidamo ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay ee carwada al-kowsar ee wadada Maka al Mukarama

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay qarax baabuur oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxan waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 25 qof oo uu ku jiro guddoomiyihii hore ee gobolka Galgaduud.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in baabuurku uu ku qarxay meel u dhow carwada al-Kowsar oo ku taalla wadada mashuuqka badan ee Makal al-Mukarama.

Wararka ayaa sheegaya in qarax lala damacsanaa baabuurka guddoomiyihii Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Weheliye Cirfo, waxaana la sheegayaa in Cirfo uu soo gaaray dhaawac fudud.

Sidoo kale dadka qaraxan ku dhaawacmay waxaa ka mid ah taliyaha saldhiga booliska ee degmada Waabari.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda qaraxa oo ay sheegeen inay ku bartilmaameedsadeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dhageyso Warbixinta Qaraxii ka Dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:18 0:00

XS
SM
MD
LG