Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka Oo $88 Milyan Siinaya Ethiopia


Kaalmadan dheeriga ah ayaa waxa ay ka dhigeysa 435 milyan oo dollar lacagta guud ee Mareykanka uu siiyey Ethiopia sanadkan.

Hay’adda Mareykanka ee horumarinta caalamiga ah (USAID) ayaa ku dhowaaqday 88 milyan oo dollar oo ah kalamo bani aadannimo oo dheeri ah oo ay siineyso Ethiopia, si wax looga qabto dhibaatooyinka bani aadannimo ee ka dhashay dabeylihii El Niño.

Kaalmadan dheeriga ah ayaa waxa ay ka dhigeysa 435 milyan oo dollar lacagta guud ee Mareykanka uu siiyey Ethiopia tan iyo billowgii sanad xisaabeedkii 2015.
Ethiopia, ayaa waxa ay wajaheysaa dhibaatooyin bani aadanimo oo ka dhashay laba xilli roobaad oo isku xigay oo roobabka aysan u da’in sidii la rabay, ayada oo dabeylihii El Niño ay sidoo kale hoos u dhigeen wax soo saarkii beeraha iyo xoolaha.

Waxaa sidoo kale sii xummaaday cunayaradii iyo nafaqo darradii ka jirtay qeybo ka mid ah dalka Ethiopia.

Dowladda Ethiopia ayaa qiyaaseysa in marka la gaaro horaanta sanadda 2016, qiyaastii 10.2 Milyan oo qof ay u baahnaan doonaan kaalmo cunno oo deg deg ah. Tiradan ayaa waxa ay kusii kordheysaa 7.9 milyan oo qof oo goor horeba xaalad cunno yar oo darran ay haysay.

XS
SM
MD
LG