Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Soo Dhoweeyey Go'aamada Paris


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa soo dhoweynaya heshiiska isbeddelka cimilada ee lagu gaaray magaalda Paris isagoo sheegay inay tahay halka ugu muhiimsan ee uu caalamku ka bilaabayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiiskan uu ka dhigan yahay fursadda ugu wanaagsan ee ay ku badbaadin kareen hal duni oo la wada leeyahay.

Hadal qaatay muddo siddeed daqiiqadood, ayuu Obama ku sheegay in meelmarinta heshiiska, ee ay gaareen waddamo ku dhow 200 ay muujisay in caalamku uu sameyn doono islamarkaana leeyahay awoodda lagu meel marinayo caqabadaha haysta isbeddelka cimilada.

XS
SM
MD
LG