Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yemen oo Mucaaradku uu Xabbad Joojinta Ogolaadey


Mideast Yemen
Mideast Yemen

Mas'uuliyiin Yemeniyiin ah ayaa sheegay in maleeshiyaadka Shiicada Xuutiyiinta ay ogolaadeen xabad joojin muddo toddobaad ah Isniinta, maalin ka hor inta uusan billaaban wada hadallada nabdeed ee Q.M. ay waddo ee ka dhacaya. Geneva.

Madaxa wafdtiga Xuutiyiinta u qaabilsan wada xaajoodka Mohammed Abdel-Salam, ayaa sheegay in iyadoo laga sii duulayo wixii lagu heshiiyay inay iyaguna xabad joojin ku dhawaqayaan Isniinta.

Xuutitiintaa, ayaa la sheegaa inay taagero ka helaan dowladda Iiraan iyadoo dowladda Yemenna ay garab taagan tahay dowladda Sacuudiga.

Maalmo ka hor, ayaa waxa madaxweynaha Yemen Abd Rabbu Mansour Hadi uu u direy golaha ammaanka ah ee Q.M. waraaq uu ku sheegayo in xabbad joojinta la sii dheereyn karo haddii maleeshiyaadka Shiicada Xuutiyiinta ah ay iyaguna sidaas aqbalaan.

Masuuliyiint ka socda golaha guud ee dadweynaha Yemen islamarkaasina daacad u ah madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax, ayaa la rajeynaya sido kale inay Geneva tagaan oo wada xaajoodka qeyb ka noqdaan.

XS
SM
MD
LG