Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciraaq: Ciidanka Turkigu Ha Naga Baxaan


Bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Ciraaq ayaa lagu sheegay in taangiyada dagaalka iyo hubka lidka diyaaradaha ee dalka Turkigu ay soo galeen gudaha Ciraaq kuwaasoo aan wax oggolaansho ka haysan xukuumadda magaalada Baqdaad.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in ciidankeedo uu ku sugan yahay gobolka Mosul Bashiga kuwaasoo halkaasi ka wadao tababarro, gudahana u galay 30 KM deegaannada uu gacanta ku hayo ururka Daacish.

Saraakiisha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka iyo isbahaysiga uu hoggaamiyo horay ugu sheegeen in ciidankoodu uu halka uu jooga horay uga sii ruqaansandoono.

XS
SM
MD
LG