Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia:Talaabooyin Dheeri ah Ayaan Qaadeynaa Syria


Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in ololaha duqeyn ee ka dhanka ah Baraha Ururka Daacish ee Syria ay shaqeynayaan, laakiin dowladdiisu ay u baahantahay talaabooyin dheeri ah inay qaado, si buu yiri Ruushka looga difaaco weeraro argagixiso.

Wasiirka Difaaca ee Ruushka, Sergei Shoig, ayaa sheegay in weeraro dayuyradaha dagaalka ee Ruushka iyo gantaalaha Kuruuska oo ay soo ridayeen maraakiibta Ruushka inay burburiyeen xarumo saliid iyo boqolaal booyadaha saliidda qaada ah todobaadkii la soo dhaafay.

Saraakiisha Ruushka waxey intaasi ku dareen in duqeyntooda lagu dilay boqolaal mintidiinta ISIS ka tirsan, gaar ahaan bariga Syira.

Dowladda Ruushka ayaa sii laba laabtay weerarada ay ku heyso Baraha ISIS tan iyo markii ururkaasi uu sheegtay masuuliyadda, soo ridistii dayuurad rakaab oo uu ruushka lahaa oo ku soo dhacday gacanka Sinai ee dalka Masar bishii la soo dhaafay, taasoo ay ku dhinteen dhamaan 224kii qof ee saaraa.

XS
SM
MD
LG