Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weriye Lagu Xiray Magaalada Garoowe


Ururuka suxufiyiinta Puntland ayaa cambaareeyey xarig maamulka Puntland uu maanta u geystay weriye Jaaamac Dabaraani.

Ururuka suxufiyiinta Puntland ayaa cambaareeyey xarig maamulka Puntland uu maanta u geystay weriye Jaaamac Dabaraani oo ka tirsan taleefishinka Somali Channel.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe, ayaa guddoomiyaha ururka Suxifiiyinta Puntland Feysal Khaliif Barre, waxa uu ku sheegay in xariga Jaamac Dabaraani uu yahay mid sharci darro ah oo aan meelna ka waafaqsaneyn qawaaniinta Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soo Cade oo aanu arrintan wax ka weydiiney ayaa ku gaabsadey in wariyahan la soo eedeeyey kadibna shaqada laga joojiyey, balse uu shaqadiisii iska sii watey isagoo ku kacay amar diido.

Wasiirka ayaa intaas raaciyey in wariyahan maxkamad la soo taagi doono maalinta sabtida.

Nuux Muuse Birjeeb ayaa warkan kasoo diray magaalada Garoowe.

Suxufi La Xiray
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:14 0:00



XS
SM
MD
LG