Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ururka ISIS Oo Sheegtay Weerarkii Paris


Rescue workers and medics work by victims in a Paris restaurant, Nov. 13, 2015.
Rescue workers and medics work by victims in a Paris restaurant, Nov. 13, 2015.

Bayaan uu soo saaray ururka ISIS ayuu ku sheegtay mas'uuliyadda weerarradii shalay ka dhacay magaalada Paris, kuwaasoo uu ku sheegay in ay jawaab u yihiin kuwo ururrada lagu hayo ee ka socda dalka Siiriya.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa maanta oo Sabti sheegay in dalka Faransiiska saddex maalmood oo barooridiiq ah loogu sameyn doono dadkii ku dhintay weerarradii shalay dalkaasi ka dhacay.

Madaxweyne Hollande ayaa weerarkaasi ku eedeeyey ururka ISIS, isagoo ballan qaday in gacanta lagu soo dhigi doono dadkii weerarradasi fuliyey.

Mas’uuliyiinta dalka Faransiiska ayaa aaminsan in raggii weerarradaasi fuliyey ay ahaayeen illa sideed qof oo ismiidaamiyaayaal ah dhinteen dhammaantood kaddib markii qaar ay isqarxiyeen xagga kuwa kale ay dileen laammaha amnigu, islamarkaasna aya hadda baadi-goob ugu jiraan dadkii gacan ku siiyey in ay weerarradasi fuliyaan oo la tuhunsan yahay in ay ku sugan yihiin magaalada Paris.

Madaxweyne Hollande ayaa amray in la xiro dhammaan xuduudaha dalka Faransiiska.

XS
SM
MD
LG