Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad Ruushku Leeyahay Oo Masar Ku dhacday


Saraakiisha dalka Masar ayaa sheegaya in diyaaradaasi ay dhacday wax ka yar 30 daqiiqdo markii ay garoonka ka kacday, taasoo nooceedu ahaa Airbus A-321, tiriskeeduna uu ahaa 9268, waxayna sheegeen in ay saarnaayeen 217 rakaab ah oo 17 ka mid ah ay carruur ahaayeen, iyo toddobo shaqaalaha diyaaradda, iyadoo weli aysan caddeyn in uu ciddi ay shilkaasi ka badbaday.

Ra’iisul wasaaraha dalka Masar ayaa sheegay in kulan deg-deg ah oo la yeellan doono laammaha ammaanka ee dalkiisa, halka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushku ay bogga ay ku leedahay Face-book-ga soo dhigtay in ay xaaladda halkaasi kala socoto.

Waxaan illaa hadda si rasmi ah loo oggeyn sababta keentay keenaya shilka diyaarada dhacday balse saraakiisha dalka Masar ayaa sheegay in diyaaradaasi aan la soo ridin.

XS
SM
MD
LG