Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Madaxweyne Xasan ee Shirka India


Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweyne Xasan Sheekh

Magaalada New Delhi ee dalka India waxaa ka socda shirweynihii saddexaad ee ‘India iyo Africa’ iyadoo shirkaasi ay ka qayb-galayaan in ka badan 40 madaxda qaaradda Afrika .

Shirkan, ayaa diiradda lagu saarayaa koboca dhaqaalaha iyo teknolojiyadda u dhaxaysa dalka India iyo guud ahaan dalalka qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi ayaa ka wada hadlay in Soomaaliya laga caawiyo amniga badaha, dhaqaalaha iyo dhismaha hay’adaha dawladeed.

Wariyaha VOA ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa arrimahan ka waraystay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan New Delhi – ugu horraynna waxaa uu weydiiyay faa’iidada Soomaaliya ugu jirta shirkaasi iyo waxyaabaha uu kala hadlay Ra’iisul Wasaaraha dalka India. Wareysigan oo dhowr qeybood ah, waxaan idin soo gudbineynaa qeybta koowaad ee wareysiga.

Wareysiga Madaxweyne Xasan Sheekh
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:21 0:00

Dhageyso Qeybta 2-aad

Dhageyso qeybta 2-aad ee Wareysiga Madaxweynaha
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:13 0:00

XS
SM
MD
LG