Shirkan ayaa socon doono muddo labo maalmood ah kaasoo ay ka qeyb galayaan madaxda dowladda, ururrada bulshada rayidka, dhallinyarada ganacsato, aqoonyahanno iyo saraakiisha laammaha ammaanka.
Shirkan ayaa inta uu socodo looga wada tashan doonaa sida ugu habboon ee loola dagaallami karo ururrada argagixisada iyo dadka xagjirka ah loogana hortagi karo halista ay bulshada ku hayaan.
Dhinaca kale dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda isku taga Imaaradda Carabta ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis kaasoo dowladda Imaaraadku ay mushaarka ciidanka dowladda Soomaaliya la siiyo ay qeyb ka bixin doonto.
Warbixinta shirkan hoos ka dhageyso.