Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hungary oo Taageero u Raadineysa Hakinta Qaxootiga


Ra’iisul wassaraha Hungary Vicvtor Orban, ayaa sheegay in uu taageero u raadin doono dadaallada uu dalkiisa ku joojinayo qaxootiga dalkiisa marinka ka dhiganaya ee ka soo gudbaya xadka dhinaca koonfurta uu dalkaasi kala Croatia, dadaaladaasi oo ay ku jirto in la xiro xadka sida ay hore ka sameeysay dhanka Serbia.

Orban ayaa maanta oo Jimca ah arintaasi kaga hadlay shir-jaraa’id oo ay isaga iyo ra’iisul wasaraha Austria Werner Fayman si wada jir ah ugu qabteen magaalada Vienna .

Mr. Orban, ayaa ballan qaaday in tallaaba kasta oo u dalkiisu qaato ay noqon doonto mid aan qarsoodi ahayn oo cad, wuxuuna ammaanay iskaashiga ay Serbia kala sameeyneyso Hungary ee la tacaalidda qul-qulka muhaajiriinta.

Ra”iisul wasaraha Hungary, wuxuu intaasi ku daray in uu shaki ka qabo in dalka Croatia uu fulinayo taallaabadan oo waafaqasan buu yiri shuruucda Midowga Yurub ee ay wax kaga qabanayso xaaladda muhaajiriinta.

Midowga Yurub, ayaa waxaa uu ku dhawaaqay Khamiistii shalay in howgalka lagu xakameeynayo muhaajirinta ka soo gud-baya badda Mediterranean -ka uu geli doono wejigiisa 2-aad 7-da bisha October ee soo socota.

XS
SM
MD
LG