Isku xirrada

War Deg-Deg ah

In Kabadan 700 oo ku Dhimatay Xajka


Saraakiisha Sucuudiga ayaa sheegay inu ugu yaraan 717 qof ay dhinteen, ka dib markii xujaajtu ay is jiidheen, tirada dhaawaca ayaa maraysa 805 qof.

Shilkan ayaa ka dhacay Mina halkaasi oo xujaajtu ay ka samaynayeen dhagax-tuurka.

Xafiiska Gurmadka u qaabilsan dawladda Sucuudiga, ayaa bogga ay ku leeyihiin barta Twitter soo dhigay sawirada iyo tirada dadka waxyeellada soo gaartay.

Ma aha markii ugu horraysay ee ay qaar ka mid ah dadka xajka gudanaya ay is-buurtaan, iyada oo 25kii sano ee la soo dhaafay dad badan ay shilal noocan ah u dhinteen.

Tirada xujaajta sanadkan, ayaa ku dhow laba milyan oo qof.

Shilkii noocan oo kale ahaa ee ugu darnaa, ayaa dhacay sanadkii 1990 wakhtigaasi oo 1400 oo xaaji ay dhinteen.

Axmed Aaden (Axmed Safiino), oo ka mid ah guddiga xujeyda Soomaalida, ayaa wariyaha VOA Ismaacil Farjar u sheegay in laba ruux oo Soomaali ah ay ku jireen dadka dhintay.

Dhageysi wareysi arrintaasi ku saabsan.

Wareysi Xaj1
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:53 0:00

XS
SM
MD
LG