Dowladda Hangari, ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogtay laba deegaan oo dhinaca koonfureed ee dalkaasi ku yaalla, si ay uga hor tagto soo galootiga doonaya inay gaaraan dalalka midowga Yurub.
Arrintani, ayaa waxay ka dambeysay, kadib markii Hangari ay xirtay xadka ay la wadaagto Seerbiya , halkaas oo muhaajiriintu u aheyd dhowr isbuucba ilin sharci darro ah oo ay ku galaan dalalka Yurub.
Dad si iskooda isu xilqaamay oo cunno iyo deeqo kale siinayay dadkana, ayaa sheegay in dhowr boqol ay ka soo gudbeen xadka Isniinti.
Isla habeenkii Isniintana, tobannaan teendhooyin ah oo ay dad is xilqaamey u dhiseen soo galootigan, ayaa gebi ahaanba haawanayay, halkaas oo toddobaadyadii ka horreeyay ay dadku buux dhaafin jireen.