Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka Somaliland oo la Isku Gacanqaaday


Guddoonka Baarlamaanka oo is feeraya
Guddoonka Baarlamaanka oo is feeraya

Kulan uu lahaa Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta buuq ku dhamaaday kadib markii ay isku-gacan qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka C/raxmaan Maxamed Cirro iyo kuxigeenkiisa kowaad Baashe Maxamed.

Isgacanqaadka ayaa ka dhashay markii guddoomiyuhu diiday in cod loo qaado mooshin salka ku haya muranka wareejinta haamaha shidaalka Berbera.

Mooshinka waxaa baarlamaanka keenay xildhibaananda taageersan xukuumadda oo ku doodaya in xukuumaddu ay xaq u leedahay inay shirkadaha gaar ah ku wareejin karto haamaha shidaalka ee Bereba.

Xubnaha mucaaradka ayaa iyagu ka soo horjeeda mooshinka, waxaana guddoomiyaha baarlamaanka oo madax u ah xisbiga mucaaradka Wadani uu hor-istaagay in mooshinka maanta cod loo qaado, isagoo sheegay in sharcigu aanu oggoleyn in mooshinkan oo mar hore baarlamaanka lagaga dooday mar kale baarlamaanka la horkeeno oo looga doodo.

Weriyaha VOA Hargeysa, Cabdixakiim Shirwac ayaa goob joog ka ahaa kulankii baarlamaanka warbixintan ayuu ka soo diray.

Dhageyso Baarlamaanka Somaliland oo la isku gacanqaaday
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:31 0:00

XS
SM
MD
LG