Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sissi oo saxiixay sharci cusub oo ka dhan ah argagixisada


Egyptian President Abdel-Fattah el-Sissi attends the Arab League summit in the Red Sea resort of Sharm El-Sheikh, March 28, 2015.
Egyptian President Abdel-Fattah el-Sissi attends the Arab League summit in the Red Sea resort of Sharm El-Sheikh, March 28, 2015.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sissi, ayaa saxiixay sharci cusub oo ka dhan ah argagixisanimada, kaasi oo ogolaanaya dil toogasho iyo xabsi daa’in lagu mutesyto dambiyada qaar. Sharcigan ayaa sidoo kale ganaax adag kusoo rogi doono qof kasta oo baahiya warbixino been ah oo ku saabsan weerarada argagixiso.

Mr. Sissi ayaa bishii June ballan qaaday inuu adkeyn doono xeerka la dagaalanka argagaxisada Masar, kadib markii qarax bombaano lagu dilay dacwad oogihii ugu sarreeyey dalkaas. Waxa uu weerarkaasi ku eedeeyey kooxda Ikhaawnul Muslimin-ka.

Sharcigan cusub, ayaa ogolaan doono in dil toogasho lagu fuliyo qof kasta oo aas aasa koox argagixiso ama hoggaamiya. Sidoo kale, maal-gelinta falalka aragagixisanimo, ayaa iyaduna lagu muteysan doona xabsi daa’in, sida uu qabo sharcigan.

Suxufiyiinta ayaa iyaguna werinta war la xiriira argagaxisanimada oo aan rasmi ahayn waxa ay ku muteysan doonaan ganaax lacageed oo u dhaxeeya 25,000 ilaa 64,000 oo dollar.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty international, ayaa sharciga cusub ku sheegtay mid aad u ciqaab adag, oo matalaya weerar ka dhanka xoriyadda hadalka.

XS
SM
MD
LG