Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Musharaxiinta J/Land oo la shaaciyey


Magaalada Kismaayo ayay ka dhaceysaa doorashada
Magaalada Kismaayo ayay ka dhaceysaa doorashada

Guddiga doorashada maamulka Jubbland, ayaa shaaciyey musharaxiinta u taagan doorashada xilka madaxweynaha maamulkaas, oo la filayo inay dhacdo 15-ka bishan August.

Xog-hayaha guddiga doorashada ee Jubbaland Xuseen Xirsi Axmed, ayaa wareysi uu siiyey VOA-da ku sheegay in afar musharax oo uu sheegay inay buuxiyeen shuruudaha musharaxnimo ay u taagan yihiin xilkan, ayna kala yihiin:- .

1 – Axmed Maxamed Islaan, Axmed Madoobe

2 – Hilowle Aadan Maxamed

3 – Cusmaan Xuseen Xaaji Fayruus

4 – Maxamed Cismaan Yuusf.

Xildhibaanada Jubaland oo 75 ah ayaa dooran doona madaxweynaha, inkasta oo ay jirto in xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ay cod ay qaadeen ay sharci darro ku tilmaameen xildhibaanada Jubbaland.

Balse Xuseen Xirsi ayaa shegeay in xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya aysan lahayn awood ay go’aan uga gaaraan Jubbalanad, balse taasi ay u taal dadka deggan kuna dhaqan degaannada Jubblanad.

XS
SM
MD
LG