Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish oo qarax ka fulisay Baghdad


Civilians inspect the scene of bomb attack in Jameela market in the Iraqi capital's crowded Sadr City neighborhood Baghdad, Iraq, Thursday, Aug. 13, 2015.
Civilians inspect the scene of bomb attack in Jameela market in the Iraqi capital's crowded Sadr City neighborhood Baghdad, Iraq, Thursday, Aug. 13, 2015.

Saraakiisha dalka Ciraq ayaa sheegay in qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari xamuul uu ruxay deegaanka shiicada ay ku badan yihiin ee magaalada Baghdad khamiista manta ah, halkaasi oo ugu yaraan 67 qof ay ku geeriyoodeen.

Tobaneeyo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa, markii gaariga xamuul lagu qarxiyey suuqa dadka ay ku badan yihiin ee Jameela ee magaalada Sadr oo ka tirsan Baghdad, sida ay saraakiisha sheegeen.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Qaraxa ayaa goobtii uu ka dhacay si aad ah u burburiyey, ayada oo qeybo ka mid ah jirka dadka, qudaar iyo alwaaxyo ay daadsanayaaeen dhulka.

Waa wareerkii ugu dambeeyey ee kooxda Daacish ay ka fuliso deegaanada ay ku badan yihiin dadka shiicada ah, oo kooxdan ay u aragto inay yihiin murtadiin.

XS
SM
MD
LG