Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshado hareeyey xuskii Michael Brown


Nin Madow ah oo dhulka yaalla kadib markii uu ku dhaawacmay rasaas ay soo rideen booliiska oo jawaab u ahayd rasaas ayaga lagu furay.
Nin Madow ah oo dhulka yaalla kadib markii uu ku dhaawacmay rasaas ay soo rideen booliiska oo jawaab u ahayd rasaas ayaga lagu furay.

Booliska magaalada Ferguson ee gobolka Missouri ayaa maanta sheegay in hal qof uu dhaawac halis soo gaaray kaddib markii dad la tuhunsan yahay iyo booliska ay israsaaseyn ku dhex martay magaaladaasi xilli dadka magaaladaasi ay sameynayeen dibad-bax nabadeed.

Dadweynaha ayaa dibad-baxooda ku xusaya dilkii Michael Brown oo ahaa 18 jir Mareykanka madow oo uu magaaladaasi ku toogtay askari ka tirsan booliska magaalada Ferguson oo ka soo jeeda Mareykanka cad.

Madaxa booliska degmada St. Louis, Jon Belmar ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan booliska ee cutubka qaata dharka shibilka ay dabogal ku hayeen nin ay ku tuhmeen in uu hubeysan yahay.

Ninkaasi ayuu boolisku sheegay in uu ku lug lahaa israsaaseynta dhex martay labada dhinaca kaasoo uu dhaawac ka soo gaaray.

Jon Belmar ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in israsaaseynta halkaasi ka dhacday aysan wax shuqul ah ku lahayn dibad baxa nabadeed ee ka socda magaalada Fergusan.

XS
SM
MD
LG