Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FBI Ka Digtay Isticmaalka Internetka ee ISIS


Agaasimaha Hay’adda Dembi-baadhista Maraykanka ee FBI James Comey ayaa sheegay in isku dayada ururka Daacish ee uu doonayo inuu dadka Maraykanka ah ku shaqaaleeyo dhinaca Internetka inay ka halis badan tahay tan ururka al-Qaacida.

Madaxa hay’adda FBI James Comey oo ka hadlayey shir sannadle ah oo lagaga hadlo arrimaha amniga oo lagu magcaabo Aspen Security Forum oo ka dhacay gobolka Colorado ayaa ka digay inay sii kordhayaan ololeyaasha ay kooxaha xagjirka ahi ka wadaan baraha isgaadhsiinta bulshada.

Wuxuu sheegay in al-Qaacida iyo Daacish inay kala duwan yihiin hababka ay u shaqaalaystaan dadka ku biiraya, isaga oo sheegay in ururka al-Qaacida ay dadka ku biiraya u shaqaaleeyaan hab taxadir badani ka muuqdo, hase ahaatee ururka Daacish uu isagu si ballaadhan u qorto dadka u shaqaynaya kuwaas oo xattaa ay ku jiraan dadka daroogada isticmaala, iwm.

Agaasimaha FBI ayaa sheegay in ururka Daacish uu ku leeyahay bogga Twitter-ka bogag ay ku jiraan illaa 21,000 oo qof oo ku hadla luuqadda English, kuwaas oo boqolaal ama kumanaan ka mid ahi ay ku sugan yihiin dalkan Maraykanka.

Hay’adda FBI ayaa bilaabay baadhis ay ku wadaan boqollaal qof oo Maraykan ah kuwaas oo loo tuhmayo in la xagjireeyey, isla markaana la doonayo inay qaadaan weeraro argagixiso.

XS
SM
MD
LG