Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka Giriiga oo ka Doodaya Qorshaha Deymaha


Sharci dejiyayaasha dalka Giriiga ayaa la filayaa inay maanta cod u qaadaan qorshaha cusub ee gunti-giijiska ah ka dib markii ra’iisal wasaaraha dalka Giriiga Alexis Tsipras uu ka codsaday mudanayaasha inay taageeraan isbedeladan cusub oo ay dalbadeen dalalka Midawga Yurub ee deymaha ku leh dalkiisa taas bedelkeedana ay xilligan amaahin doonaan lacago kale oo uu u baahan yahay.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa la filayaa inay maanta gelinka hore ku qaataan doodda hindisahan ka dibna ay go'aan ka soo saaraan.

Hindisahan ayaa baarlamaanka loo gudbiyey shalay salaasadii kaas oo ay ka muuqdeen cashuuro kala duwan oo cusub, dib u habayn ku saabsan dhinaca lacagaha bisilka ah ee la siiyo dadka waaweyn iyo weliba kormeerin adag oo lagu samaynayo laamaha maaliyadda ee xukuumadda.

Dalalka Midawga Yurub ee deymaha ku leh Giriiga ayaa dalbaday in golaha baarlamaanku ansixiyo qorshahan si loo bilaabo wada-xaajoodka deyn kale oo samatabixin ah oo gaadhaysa illaa $95 Billion oo dollar oo Giriiga la siiyo.

XS
SM
MD
LG