Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Dhimay Xukunadda 46 Qof


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa hoos u dhigay muddada xukun xabsiyeedka ee 46 qof oo ka mid ah dadka gala dambiyada aan gacan ka hadalka aheyn, taasoo qeyb ka ah isbedel uu doonayo in lagu sameeyo xabsiyada Mareykanka ee mudda dheer buux dhaafinayay.

Muuqaal Fidyow oo uu sii daayay Aqalka Cad Isniintii shalay ayuu Mr. Obama ku sheegay in Maxaabiistaas badankood aysan aheyn dad dambiyo culculus galay, hadana lagu xukumay ugu yaraan 20 sanadood oo xariga ah.

Madaxweyne Obama ayaa intii uu xilka ahay waxa uu soo saaray ilaa iyo shagaashan go’aan oo uu hoos ugu dhigayay heer ciqaabeedka dambiyada qaar, kuwaas oo badankood beegsanayay dadka u xirxiray dambiyada daroogada la xiriira.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxwene Obama la filayo in xukun dhimis iyo cafisyo dheeri ah uu sameeyo ka hor inta uusan ka tagin Aqalka Cad 2017ka.

XS
SM
MD
LG