Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wada-hadallada Nuclear-ka Iiraan Oo Maanta Ku Eg


Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iiraan Abbas Aragchi ayaa rajo muujiyey, walow uu sheegay in ay weli jiraan qoddobo muhiim oo u baahan in xal laga gaaro, oo horseedi kara in heshiis la gaaro maanta niska dambe.

Wada-hadalladan oo dhowr jeer oo hore lagu daray xilliyo dheeraad ah ayaa maantoo Isniin ah ku eg. Iyadoo mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iiraan Alireza Miryousefi uu sheegay in qofna uusan hadda ka fikirneynin in xilli kale lagu daro.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in la diyaariyey shuruudaha heshiis wanaagsan.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Shiinaha, Mareykanka, Faransiiska, Ruushka iyo Jarmalka ayaa kulan khaas ah ku leh magaalada Vienna, iyadoo sidoo kala la filayo in uu ku soo biiri doono dhiggooda dalka Ingiriiska inta uu kulanku socdo.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry oo ay warbaahintu weydiiyey in xilli dheeraad ah oo kale wadahadalladan maanta ku eg lagu dari doono ayaa ka gaabsaday jawaabta su’aashaasi.

XS
SM
MD
LG