Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Qusuliyadda Talyaaniga ee Qahira


Qaraxan ayaa sidoo kale burbur xooggan gaarsiiyey dhismaha qusuliyadda.

Saraakiisha ayaa sheegay in qaraxani ay ku badantahay in uu yahay mid ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxa qarax oo la dhigay goobta baabuurta la dhigto kaasoo lagu soo hagay meel fog.

Illaa iyo hadda jirto cid sheegtay mas’uuliyadda qaraxan, iyadoo sidoo kale uu qaraxani uu dhacay xilli weli aroor hore ah oo ay qusuliyadu xirneyd.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Powlo Gintilooni ayaa boggiisa twitter ku sheegay in Talyaaniga aysan marba cabsi gelin doonin weerarada noocaas oo kale ah, isagoo sheegay in dadka waxyeelladu soo gaadhay aysan ku jirin muwaadiniin Talyaani ah.

XS
SM
MD
LG