Isku xirrada

War Deg-Deg ah

US: Muran ka Jira Calan u Taagan Dagaaladii Sokeeye


Golaha wakiillada ee gobolka South Carolina ayaa la filayaa inay maanta ka doodaan sharci ogolaanaya in la dejiyo calan u taagan xilligii dagaallada sokeeye kaas oo gobollo ku yaalla dalka Maraykanka ka dul taagnaa in ka badan 50 sanadood.

Hindisahan laga doodayo oo ay dabada ka riixayaan Xisbiyada Dimoqraadiga iyo weliba Jamhuurigu ayaa mar hore golaha Senateka ee gobolku waxay ku ansixiyeen codad aad u badan. Taas oo 36 mudane ogolaadeen halka 3 mudane ay ka soo horjeesteen.

Qaar badan oo ka mida siyaasiyiinta iyo muwaadiniinta gobolka South Carolina oo ay ku jirto Guddoomiyaha gobolkaas Nikki Haley ayaa dalbanaya in la dejiyo calankan, ka dib markii wiil caddaan ah lagu eedeeyey inuu xasuuqay sagaal qof oo Madow ahaa oo ku cibaadaysanayey kiniisad ku taalla Charleston bishii June 17-keedii.

Wiilka caddaanka ah ee laayey dadka madowga ah oo lagu magcaabo Dylann Roof ayaa muuqaallo uu iska qaaday ka hor intii aanu dilka geysan la arkay isagoo sita calankan.

Dhinacyada ka soo horjeeda calankan ayaa u arka inuu yahay astaan u taagan sarraynta dadka caddaanka ah iyo weliba in calalnkani astaan u yahay dagaalkii sokeeye ee dhacay 1860s kaas oo gobollada Koonfureed ee Maraykanku ay doonayeen inay ku ilaaliyaan sharcinimada addoonsigii waagaas jiray.

Hase ahaatee dhinacyada taageera calankan ayaa u arka inuu u taagan yahay taariikh hore ee aanu u taagnayn is-addoonsi.

XS
SM
MD
LG