Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirka Maaliyadda Giriigga Oo Iscasilay


Greece Bailout
Greece Bailout

Iscasilaadda wasiirka maaliyadda ayaa noqotay mid dadweynaha Giriigga ka yaabisay maadaama uu horay u sheegay in uu iscasili doono haddii dadweynaha dalka Giriiggu aftida laga qaado ay (Haa) u codeeyaan balse hadda ay u codeeyeen (Maya)

Varoufakis ayaa sheegay in uu sameeyey waxyaabo la dareemay kaddib markii uu ka maqnaaday shirkii wasiiradda maaliyadda, isagoo ka baaqsiga shirkaasina ku tilmaamay mid ka turjumaysa suurtagalnimada in ra’iisul wasaaraha dalka Giriiggu Alexis Tsipras uu heshiis la gaari doono deyn-bixiyeyaasha.

Ra’iisul wasaare Alexis Tsipras ayaa wasiirka iscasilay uga mahadceliyey dadaalladii adkaa ee uu soo galay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada dhanka amaahada ee ka jirta dalka Giriigga iyo geesimadii uu ku wajahay mas’uuliyiintii ay wadahadalladu dhexmareen.

Iscasilaadda Wasiirka maaliyadda ee dalka Giriigga Yanis Varoufakis ayaa kuu soo beegmaysa xilli xaalada cakiran ay u dhaxayso dalka Giriiga iyo deyn bixiyeyaasha dalalka Yurub iyo iyadoo dadweynaha Giriiggu ay diideen dalabaadkii ka yimid dalalkaasi.

XS
SM
MD
LG