Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Giriigga oo Hindisihii Yurub "Maya"u Codeeyey


Dadka Giriigga ayaa Axaddii shalay si weyn “Maya” ugu codeeyey aftidii laga qaaday ee ahayd in dawladda dalkaasi ay ogolaato soo jeedin ka timid dalal iyo hay’adaha deymaha bixiya, kuwaas oo dalka Giriigga ka doonayey inuu dhaqan galiyo hanaan dhaqaale oo lagu yareynayo kharashka uu dalkaasi isticmaalo.

Dawladda Giriigga ayaa dhinaceeda doonaysa in la siiyo lacago amaah ah oo ay dhaqaale xumada haysa ku badbaadiso, iyada oo aan shuruudo ad-adag lagu xireynin.

Haddaba diidmadan ay shacabka Giriiggu diideen soo jeedintii deyn bixiyeyaasha maxay uga dhigan tahay Giriigga iyo deyn bixiyeyaasha labadaba, mase laga yaabaa in ay keento in Giriiggu uu ka baxo xeyn-daabka dalalka uerozoneka la isku yiraahdo maaddama uu la jaan-qaadi kari la’yahay hanaankoodii dhaqaale?

Su’aashaas iyo kuwa kale ayaa Maxamed Cabdi Sandhere uu weydiiyey Cabdi Xaamud Aleel oo dhaqaalaha iyo horumarinta magaalooyinka ku takhasusay, kuna sugan magaalada Rotterdam ee dalka Holland.

Dhageyso Diidmada Giriigga
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:11 0:00

XS
SM
MD
LG