Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadweynaha Giriiga oo Diiday Hindisihii Yurub


Codbixiyayaasha dalka Giriiga ayaa si weyn uga horyimi qorshayaasha dalalka deymaha ku leh dalkaasi ay soo jeediyeen oo ahaa hindiseyaal gunti giijis ah taas oo ay bedelkeeda ay u ballanqaadeen deymo kale.

87% waraaqihii codbixinta ee la tiriyey ayaa in ka badan 60% waxay ka horyimaaddeen hindisahaas, iyaga oo iska indha tiray baaqii Midawga Yurub ee ahaa inay suuro gal tahay in dalkaas laga saaro suuqa lacagta Euro.

Ra’iisal Wasaaraha dalka Giriiga Alexis Tsipras oo dabada ka riixayey in shacabkiisu u codeeyaan “MAYA” ayaa sheegay inay u dabbaal degayaan guusha dimoqraadiyadda isaga oo sheegay inuu dib ugu laabtay mar horeba miiska wada-hadalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in codbixinta dadweynuhu ay awood badan siin doonto si uu go’aano wanaagsan ula geli karo dalalka deymaha ku leh Giriiga.

XS
SM
MD
LG