Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Maraykanku uu joojiyey taageero dhinaca ammaanka ah oo uu siin jiray dalka Burundi.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay khamiistii in doorashadii baarlamaanka ee dalka Burundi ka dhacday aanay ahayn mid si xor ah oo cadaalad ah u dhacday, isla markaana lagu xadgudbay xuquuqda aadanaha.
Dalka Burundi ayay soo foodsaareen mid ka mida qalalaasihii siyaasadeed ee ugu darnaa tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay dagaallada sokeeye dhammaadeen 10 sano ka hor, waxaan dalkaas ka curtay isu-soo baxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza oo doonaya inuu mar saddexaad u tartamo xafiiska madaxtooyada. Tobanaan qof ayaa ku dhintay xiisadahan cusub.
Mucaaradka ayaa qaadacay doorashada baarlamaanka ee dalkaas ka dhacday maalinimadii Isniinta, doorashada madaxtooyada ayaa Iyana la filayaa inay qabsoonto 15-ka bisha July hase ahaatee Qaramada Midoobay iyo dhinacyo kale ayaa ku baaqay in dib loo dhigo doorashada.
Mucaaradka ayaa iyagu ku doodaya in Madaxweynuhu uu isku dayayo inuu ku xadgudbo dastuurka si uu isugu soo taago doorashada madaxtinimada.
Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magcaabo Farhan Haq ayaa sheegay in korjoogayaasha ka socday Qaramada Midoobay ee ka hawlgelayey doorashadii baarlamaanka dalka Burundi ay ku sheegeen warbixin hordhac ah in dhammaan hannaanka doorashada aan loo qaban hab xor ah, isla markaana u furan in cid waliba ka hawlgeli karto”.
Haq ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in dalkaas ay ka dhaceen rabshado kala duwan, Qaraxyo dhacayey oo saamayn ku yeeshay arrimaha doorashada, waxaana guddida kormeerayey doorashadaas ee ka socday qaramada midoobay ay arkeen xannibaado lagu soo rogay warbaahinta madaxa banaan, xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo xuquuqda aasaasiga ah ee shacabka.
Arrimaha kale ee Qaramada Midoobay ay sheegtay waxaa ku jiray xadgudubyo lagula kacay xaqa xisbiyada mucaaradka ahi u leeyihiin inay sameeyaan ololeyaal madax banaan, dilal kala duwan oo dhacayey, xadhig iyo xadgudubyo ay ku kacayeen dhalinyaro hubaysan.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Debedda Maraykanka John Kirby ayaa sheegay in Maraykanku uu ugu baaqay madaxweynaha Burundi inuu xaqa shacabka reer Burundi ka horraysiiyo hammigiisa siyaasiga ah, isla markaana uu wadahadal la furo mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka ah si la isula qaato xal siyaasi ah oo lagu soo afjaro xiisadda ka taagan dalkaas.
Kirby ayaa sheegay in arrimaha ay u soo jeediyeen Madaxweynaha dalka Burundi ay ku jirto in dib loo dhigo doorashada madaxtooyada illaa la helayo hannaan hufan oo horseedi kara in la qabto doorasho xor ah.