Ciidamada AMISOM ayaa xalay ka baxay degmooyin ay ka mid tahay degmada AW-DHEEGLE ee gobolka Shabeellaha Hoose. Guddoomiyaha Aw-Dheegle Maxamed Aweys Abuukar ayaa sheegay in al Shabaab ay gabi ahaanba la wareegtay dhammaan saldhigyadii ay ciidamada AMISOM-tu ka baxeen.
Guddoomiyaha ayaa VOA u sheegay in dadweyne badan ay barakaceen deegaanadaasi, isaga laf ahaantiisuna uu halkaasi ka cararay lugna ku tagay degmada Afgooye.. Xuseen Barre ayaa khadka taleefonka ee Afgooye ku wareystay guddoomiya.