Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Giriigga oo Ogolaaday Shuruudihii Amaahda Yurub


Warqad Ra’iisal Wasaaraha dalka Giriigga Alexis Tsipras uu u diray wasiiro ka tirsan dalalka adeegsada lacagta euro-ga ayaa waxa uu ku caddeeyey in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu ogolaado qoddobadii Guddiga Yurub uu ku xiray si Giriiga loo siiyo lacagtii samatabixinta ahayd.

Warqadda waxa Arbacada maanta ah la gaarsiiyey wakaaladaha wararka, saacado uun ka hor markii wasiirrada maaliyadda ee dalalka Yurub ay qorsheynayeen inay shir dhinaca telefonka ah ka yeeshaan codsigii u dambeeyey ee Giriiga. Warqadda Ra’iisal Wasaaraha Giriigga ayaa sheegaysa in Giriigu uu diyaar u yahay, si ka badan sidii hore, inuu u hogaansamo dalabka dalalka amaahda Giriiga siinaya.

Shir ay maanta yeelanayaan ayaa wasiirrada maaliyadda ee M. Yurub waxay ka jawaabayaan codsiga Giriigga ee daqiiqadii u dambeysay yimid, kaas oo dalkaas lagu siinayo 32.4 bilyan oo dollar. Lacagtani waxay noqonaysaa talaabadii u dambeysay ee dadaal la doonayo in Giriigu uu kasii mid ahaado dalalka adeegsada lacagta euro-ga. Arrintan ayaa imanaysa iyada oo Talaadadii shalay uu Giriigu ka dib dhacay bixinta deyn dhan 1.8 bilyan oo dollar, taas oo la siin lahaa Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF.

Wasiirrada maaliyadda ee dalalka M. Yurub ayaa Talaadadii shalay go’aansaday in aanay kordhin xiliga Giriiga la siinayo lacagaha samatabixinta ah, arrintaas oo Giriiga u ogolaan lahayd inuu fuliyo waxyaabihii dalalka deynta siiyey ay ka doonayeen.

XS
SM
MD
LG