Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burundi Oo Doorasho Ka Billaamatay


Madax Midowga Afrika Nkosazana Dlamini Suma ayaa walaac ka muujisay waxay ay ugu yeedhay walbahaarka arrimaha siyaasada iyo xaaladda dalka Burundi, iyadoo sheegtay in goobjoogaal ka tirsan ururka Midowga Afrika aysan ka qeyb galeynin doorashada maanta ka billaamatay dalka Burundi.

Nkosazana Dlamini Suma ayaa sheegtay in Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiinta gobolku ay dowladda Burundi ugu baaqeen in ay dib u dhigto xilliga doorashada loo dhigo doorashada maanta iyo ta xilka madaxweynenimada ee la qaban doono 15 July illaa iyo 30 bishaasi balse xukuumadda Burundi aysan aqbalin codsigooda.

Go’aanka madaxweyne Pierrre Nkurunziza ee ah in uu mar saddexaad u baratami doono xilka madaxweynenimada ayaa horseeday af-gembi dhicisoobay iyo rabashado ka dhacay dalka Burundi.

XS
SM
MD
LG