Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Leego ku Dhexmaraya al-shabab Iyo Amisom


Wararka ka imaanaya deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ka socdo.

Dagaalankan oo u dhaxeeya Maleeshiyada al-Shabab iyo Ciidamada Amisom oo halkaas saldhig ku leh ayaa bilowday markii al-shabab ay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku weerartay ilinka laga galo xerada ka dibna ay maleeshiyo lug ku socota halkaasi weerarreen.

Dadka deegaanka ayaa VOAda u xaqiijiyay inay socoto rasaas xooggan oo labada dhinac ay isweydaarsanayaan.

Weli ma cadda qasaaraha ka dhashay dagaalkan.

Wixii war ah ee ku soo kordha dagaalka Leego waxaad ku dhageysan doontaan Idaacaddeena Galabta

XS
SM
MD
LG