Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IMF: Dhaqaalaha Somalia wuu Kordhay 2014


Muqdisho
Muqdisho

Kororka dhaqaale ee Somalia waxa laga yaabaa inuu ka yar yahay dalalka kale
ee gobolka, hase yeeshee, dawladda Somalia waxa dhiiri galinaya arrinta
ah in kulankii sanadlaha ahaa ee Hay'adda IMF ee Somalia ku saabsanaa
uu qabsoomay, hay'adduna ay sheegtay in talaabo horay loo qaaday,
iyada oo xitaa xubnhii kulanka ka qeyb galayey ay Nairobi ku shireen.

Hay'adda ayaa kulanka dhacay bishan June 8-18keedii ka dib sheegtay
in kororka dhaqaale lagu qiyaasay 3. 7°/° sanadkii 2014, kororkaas oo ka dhashay dhinaca beeraha, dhismaha iyo is-gaarsiinta.

Hay'adda IMF waxay intaas ku dartay in, iyada 00 uujiro horumar yar
00 dhinaca anutiga ah iyo abaaro aan dhicin in xiligga dhexe kororka
dhaqaale ee sanadlaha ahi uu noqonayo 5%. Sidaas oo ay tahay kororkan
dhaqaale kuma fillaanayo in uu wax ka taro saboolnimadiij irtay iyo kala
duwanaanshaha u dhexeeya labka iyo dhedigga.

Warbixintan ay Rueters qortay ayaa lagu sheegay in 2014 sicir bararku
uu gaaray 1. 3%. Waxa kale oo la saadaalinayaa in kororka dhaqaale ee
dhabta ah ee sanadkan 2015ka UU noqdo 2. 7°/°, iyada oo sicir bararkuna
uu sii ahaan doono ilaa 4°/°.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in hay'adda IMF ay xustay in dawladda
Somalia ay wali ku sii tiirsanaan doonto kaalmada dibadda, iyada 00
hay'addu ay ku baaqday in la kobciyo hay'adaha maaliyada, isla
markaana la wanaajiyo waxyaabaha dhakhliga kordhinaya.

Warbixinta wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in dib U
dhiska ay ka mid tahay in la sameeyo hanaan federal ah oo lagu dhaqo dal ay waxyeeleeyeen dagaalo sokeeye iyo kuwo falaago lslaami ah lala
galay.

Hay'adda IMF ayaa laga soo xigtay in Somalia ay u baahan tahay in
heshiis ay ka gaarto hanaan maaliyadeed 00 federal ah, kaas 00 ay ku
jiraan bixinta adeegyada, dakhliga 00 la soo ururiyo iyo in dakhligaas la
wadaago. "

Shirka haya'adda IMF waxaa qeyb ka ahaa kulamo lala yeesheay
wasiirka maaliyadda Somalia Maxamed Aden Ibrahim, Wasiir ku
xigeenka Qorsheynta Abdullahi Sheekh Cali iyo Guddoomiyaha
Bangiga Dhexe Bashiir Ciise Cali.

XS
SM
MD
LG