Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Saldhigyo Cusub Ciraaq Ka Sameysanaya


Taliyaha ugu sareeye Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay Maanta oo Qamiis ah in Mareykanku uu ka fekerayo in saldhigyo taba- bar iyo tala- bixin oo dheeri ah uu ka abuuro Ciraaq si looga caawiyo ciidamada dowladda dagaalka ka dhanka ah ISIS.

Waxaa hadalkan General Martin Dempsey uu ku soo beegmay iyadoo Arbacadii shalay Aqalka Cad uu ku dhawaaqay in Mareykanka uu haatan geynayo ilaa iyo 450 Askari oo la taliyeyaal ah gobolka Anbaar ee dalka Ciraaq.

Isagoo kula hadlayay wariyeyaasha Magaalada Naples ee dalka Talyaaniga, halkaa oo uu kulamo kula leeyahay Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka, ayuu " General Dempsey sheegay in Mareykanka uu ka fekerayo qorshaha xarumaha dheeriga ah ee ciidamada Ciraaq Talada iyo Tababarada lagu siinayo.

Waxa uu sheegay in meelaha ay saldhigyadan military laga furayo ay ku jiraan duleedka caasimadda dalkaasi ee Baghdad, iyo meel ku dhow magaalada labaad ee Ciraaq ugu weyn ee Mosul, oo sanadkii hore ay qabsadeen maleeshiyada ururka ISIL

Mareykanka ayaa haatanna waxaa ka jooga Ciraaq 3,100 askari oo afar saldhig oo meelo kala duwan oo Ciraaq ah, tababarro iyo talooyin ku siiya ciidamada Dalkaasi.

XS
SM
MD
LG