Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaxooti kale oo Gaaray Berbera


Maxkamadda Berbera oo Ridday Xukunno
Maxkamadda Berbera oo Ridday Xukunno

Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, waxaa maanta ka dagay 210 qaxooti Soomali ah oo ka yimid dalka Yemen.

Mas’uuliyiinta dekedda Berbera ayaa qaxootiga maanta ka dajiyay doonidii sidday, laakiin waxay shalay muddo diideen oo ay is-hor-taageen inay gudaha Berbera u galaan qaxooti kale oo Soomaali ah oo saarnaa dooni ka soo qaaday Yemen.

Somaliland ayaa horey u sheegtay inaysan oggolaan doonin in qaxooitga Soomaalida ah ee ka soo cararaya Yemen ay yimaadaan Berbera, sababtuna ay tahay cabsi ay ka qabaan in dad argagixiso ah ay ku soo dhuuntaan qaxootiga. Warbixintan waxaa Hargeysa ka soo diray, Barkhad Kaariye.

Qaxooti Gaadhay Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:38 0:00

XS
SM
MD
LG