Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Ka Dhacay Afgaanistaan


Qaraxan ayaa waxaa fuliyey qof ismiidaamiye ahaa oo watay gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, kaasoo la beegsaday albaabka hore xafiiska golaha magaalada Kalaat ee gobolka Zabul ee galbeedka Afgaanistan.

Booliska ayaa sheegay in dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ay ku jiraan haween iyo carruurt, uuna ku dhaawacmay mid ka mid ah golaha xafiiska qaraxa lala beegsaday.

Saraakiisha caafimaadka ee gobolkaasi ayaa sheegay in dadka la geeyey isbitaallada ay ku jiraan dad qaba dhaawacyo culus.

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay dhimashada iyo dhaawaca haweenka iyo carruurta ee inta badan ka dhaca dalka Afgaanistaan.

XS
SM
MD
LG