Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa laga furay bangi cusub oo caalami ah oo wax ku soo kordhinaya horumarka ka socda Somalia iyo maalgashiga.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray bangigan oo lagu magacaabo Bangiga Premiere.
Bangiggan ayaa bixinaya adeegyo caalami ah oo aan waddanka horay looga heli jirin, sida adeegga loo yaqaan SWIFT CODE oo ah isafgaradka lacaga kala dirista bangiyada iyo MasterCard oo ah kaar caalami ah oo aad dunida meel kasta oo adeeg bangi oo caalami ah leh ku adeegsan karto.
Waxaa kaloo xarunta bangigan cusub oo laga furay isgooyska taleex ee magaalada Muqdisho ay leedahay Machiinka lacagaha lagala baxo ee loo yaqaan ATM, oo noqonaya kii 2aad ee noociisa ah ee laga furo magaalada Muqdisho.
Wariyeheenna Magaalada Muqdisho Seynab Abukar Maxamed ayaa xafladdii furiraanka bangigan cusub ka qeyb gashay warbixintan ayeyna nooga soo dirtay.