Masuuliyiinta Somaliland ayaa sheegaya inay shaqada ka joojinayaan saddex ka mida hay’adaha samafalka ee Somaliland ka hawlgala iyaga oo ku eedeeynaya inay dhexgaleen siyaasadda gudaha ee Somaliland.
La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha hay’adaha Caalamiga ah Cabdifataax Siciid Axmed ayaa Ismaaciil Farjar uga waramay arrimahaas iyo weliba safar uu ku marayo dalka Kuwait.