Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar oo Xukun Dal-dalaad ah Ku Fulisay Lix Nin


Raggan ayaa lagu dal-dalay xabsi ku yaalla magaalada Qaahir ee caasimada dalka Masar, iyadoo lagu eedeeyey weeraro ka dhacay buuraleyda Siinaay, kaddib markii la afgabiyey madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi, kaasoo isagana shalay lagu ridday xukun dilka ah .

Hay’adda u doodda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa xukunka raggaasi ku tilmaamtay mid xaq-darro qayaxan ah.

Hay’adaha u dooddaya xuquuqul insaanka ayaa horay u sheegay in saddex ka mid ah raggan laga baajiyo xukunka dal-dalaada ah maadaama ay xabsiga ku jireen xilliga uu dhacay dambiga lagu soo eedeeyey.

XS
SM
MD
LG