Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Indonesia Oo Xukun Dil ah Ku Fulisey Ajaanib


Dowladda Indonesia ayaa xukun dil ah ku fulisay 8 qof oo lagu eedeeyey in dalka Indonesia ay soo galiyeen daroogo kuwaasoo ay ku jireen toddobo qof oo ahaa ajinabi. Inkastoo dowladda Indonesia ay fulinta xukunkaasi kala kulantay cambaareyn uga timid caalamka.

Dadka xukunka lagu fuliyay ayaa lagu toogtay jasiirad ku taalla dalka Indonesia, sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha guud ee Indonesia Muhamed Prasetyo, kaasoo difaacay tallaabada ay dowladdu fulisay oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid qaran looga badbaadinayo halista ay daroogadu leedahay.

Dadka ajinabiga ah ee xukunka dilka ah lagu fuliyey ayaa kala ahaa afar u dhalatay dalka Neyjeeriya, labo u dhashay Australia iyo mid u dhashay Brazil iyo midka kale oo ahaa Indonesian.

Madaxweynaha dalka Indonesia Joko Widodo, ayaa sheegay in dalka ay ka jirto dhibaato dhanka darooga ah ayna muhiim tahay in la fuliyo xukunka dilka ah ee dadka lagu soo qabto in ay dalka soo galiyaan daroogo.

XS
SM
MD
LG