Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nepal: 2100 qof oo ku Dhimatay Dhulgariirka


Dhulgariir kale oo cabbirkiisa lagu sheegay 6.7 ayaa maanta ruxay magaalada Kathmandu ee dalka Nepal, hal maalin kaddib markii uu shalay dhulgariir ka dhacay dalkaasi ay ku dhinteen 2,100 qof uuna burbur laxaadleh u geystay dhismayaal badan.

Mareykanka iyo dalal kale ayaa kooxaha ka jawaab bixiya masiibooyinka u diraya dalka Nepal si looga caawiyo shacabka Nepal ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dhulgariirkii ku dhacay dalkaasi maanta iyo shalay.

Inkastoo illaa hadda aan la sheegin khasaaraha ka dhashay dhulgariirka maanta ka dhacay dalka Nepal haddana weli waxay dadku ka soo kabsanlaayihiin dhibaatadii ka dhalatay kii shalay halkaasi ka dhacay.

Waddamada deriska la ah dalka Nepal ee Hindiya iyo Pakistaan ayaa lagu soo warramayaa in ay kooxaha gurmada ku direen buuraha waaweyn ee dalka Nepal si halkaas looga soo baadigoobo haddii ay jiraan dad ka badbaaday dhulgariirka maanta iyo shalay ka dhacday dalka Nepal.

XS
SM
MD
LG