Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka oo Saldhigyo ka Samaystay Xuduuda Ukraine


Isbahaysiga NATO ayaa sheegay in dawladda Ruushku ay Goobo Milateri oo waaweyn ka samaysay meelo ku teedsan Xuduudda Ukraine, taas oo awood u siinaysa kooxaha Mucaaradka ka dagaalama Bariga Ukraine inay weeraro xooggan qaadi karaan.

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in dawladda Ruushku ay keentay xuduudda Ukraine qalab kala duwan oo Milateri, taas oo Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga NATO uu ku tilmaamay inay walaac badan abuurayso.

“waa arrimo la arki karo dhismaha ruushka ee xuduudda Ukraine, sidoo kale uu gudaha bariga Ukraine. Ruushku waxay bilihii ugu dambeeyey kor u qaadeen saadkooda, waxay kooxaha goonni u goosatada ah ugu deeqeen kumanaan hub, qalab milateri ah oo ay ku jiraan hub casri ah, hubka difaaca hawada, taangiyo iyo madaafiic” ayuu yidhi.

Xoghayaha NATO ayaa sheegay in Ruushku ay abaabuleen tababar isla markaana ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u isticmaalayaan bariga dalka Ukraine.

Wuxuu sheegay in dhaqdhaqaaqyada Ruushka ee ugu dambeeyey ay xad gudub ku yihiin heshiisyadii xabbad joojinta ahaa ee la gaadhay bishii February.

“Dabcan, waa xadgudub ay ku samaynayaa heshiiskii lagu gaadhay Minsk. Waa baalmar iyo xadugudub lagu samaynayo xabbad joojintii la gaadhay, waxayna kaalmo siinaynsaa kooxaha goonni u goosatada Ruushku taageerayo taas oo awood u siin kartay inay qaadaan weerar xooggan wakhti dhow” ayuu yidhi.

John Herbst oo ah safiirkii hore ee Maraykanka u joogay dalka Ukraine iminkana madax u ah qaybta qaabilsan Eurasia ee machadka Atlantic ayaa sheegay isagoo ku sugan Kyiv:

“Hadafka ugu yar ee Madaxweynaha Ruushka waa inuu khalkhal ku abuuro xukuumadda Ukraine, si uu taas u gaadhona, kuma joogi karayo oo keliya heshiiska xabbad joojinta, wuxuu u baahan yahay inuu sameeyo tallaabooyin uu xasilooni darro ugu abuurayo dalkan” ayuu yidhi.

Maraykanka iyo Midawga Yurub ayaa cunaqabatayno ku soo rogay Moscow, waxaana dalka Maraykanku uu tababarayaal Milateri u diray dalka Ukraine.

Laakiin Herbst wuxuu isagu qabaa in Washington ay tallaabooyin intaas ka badan qaaddo.

“waxaan filayaa in aqalka caddi gaabinayo si uu u qiimeeyo halista dhabta ah ee siyaasadaha Mr Putin. Waxaanu bilo ka hor go’aansanay inaanu hub waaweyn ugu deeqno Ukraine. Waxay ahayd inaanu la nimaadno siyaasado xooggan oo isbahaysiga NATO dhexdiisa ah si aanu u jeexno khad cas oo xooggan, oo aanay Ruushku fursad u helin inay nagu ciyaaraan, ama dalalka Baltic ay daandaansadaan.”

Kyiv iyo dalal badan reer galbeedka ah ayaa Ruushka ku eedeeyey inay taageerayaan kooxaha mucaaradka ee ku sugan bariga dalka Ukraine, hase ahaatee Ruushka ayaa isagu arrintaas iska fogeeyey.

Dagaallo u dhexeeya Mucaaradka Goonni u goosatada ah iyo Ciidamada Ukraine ayay ku nafwaayeen in ka badan 6,000 oo qof halka ay ku baro kaceen in ka badan hal millyan oo qof.

XS
SM
MD
LG