Hay’adda Qaxootiga ee UNHCR ayaa soo dhawaysay go’aanka dalalka midawga Yurub ay gaadheen oo ah in la saddex jibbaaro lacagta lagu bixiyo hawlaha baadigoobka iyo badbaadinta muhaajirinta baddu ay liqdo.
UNHCR ayaa sheegtay in loo baahanyahay dalalka midwga Yurub ay culayska saaraan sidii dadka magan-galiyo doonka ah ay si sharciga waafaqsan oo aan halis ku jirin u heli karaan magan-galiyo.
Hay’adda ayaa tilmaantay in kordhinta lacagta hawlaha gurmadku ay tahay talaabo wanaagsan oo bilow ah, balse loo baahanyahay in marka xal loo helo arrinta badda laga fikiro sidii dadku u heli lahaayeen magan galiyo marka ay kasoo cararaan dhibaato haysata.
Kala badh dadka badda isku soo biimeeyay ayay UNHCR sheegtay inay ahaayeen dad ka soo baxsaday dagaalada Africa iyo Bariga Dhexe iyago ka cabsi qaba in dalalkooda wax yeelo ku soo gaadho.