Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Yurub oo Ka Shiraysa Muhaajiriinta


Madaxda dalalka Midawga Yurub ayaa isgu imanaya shir madaxeed ku saabsan arrimaha muhaajiriinta iyo socdaalka, Madxada ayaa ka wada hadli doona sidii loo burburin lahaa doonyaha soo qaadda dadka tahriibta ah intaan rakaabka la soo saarin.

Shir madaxeedkan ayaa ahaa mid si deg deg ah ku yimid ka dib markii ilaa 9 boqol oo qof ay axaddii ku dhinteen badda ka dib markii doonidii sidday ay la degtay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee faransiiska Laurent Fabius ayaa sheegay in wasiirada reer yurub ay ka wada hadlayaan sidii faragalin miltari iyo mid rayid ah lagu samyn lahaa si loo burburiyo doonyaha tahriibta.

Laakin maleeshiyada maamusha Tripoli ayaa shegay inay la dagaalami doonaan hadii midawga yurub uu kaligii qaado talaabo milatari oo lagu beegsanayo dekadaha laga soo rakaabiyo doonyaha tahriibta ee dalka Libiya.

Maleeshiyada ayaa ku baaqday in lagala tashado tallaabo kasta oo la qaadayo.

XS
SM
MD
LG