Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddi loo Saaray Arrinta Qaxootiga Kenya


Wadahadallo saddex-geesood ah oo magaalada Nairobi ay ku yeesheen dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, ayaa lasoo gaba-gabeeyey, Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in lagu heshiiyay in la soo dhiso guddi sii amba-qaadi doona wada hadaladaasi.

Waxaana wararku ay sheegayaan in is af garad laga gaadhay amarkii dhowaan kasoo baxay dawladda Kenya ee ahaa in muddo saddex bilood gudahood ah lagu celiyo qaxootiga xeryaha Dhadhaab.

Guddiga ayaa eegi doona in ay haboontahay in si daganaasho ku jirto looga wada hadlo hanaanka dib u celinta ayadoo la tix galinayo sharciyada caalamiga ah ee dadka qaxootiga ku joga Kenya.

Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta kulanka ka qaybgalay ayaa VOAda uga warramay natiijada ka soo baxday.

Waraysiga oo dhan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Dhegayso: Guddi loo Saaray Arrinta Qaxootiga Kenya
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:27 0:00

XS
SM
MD
LG